Madaxweyne Xasan Sheekh Aniga iyo Mucaaradku Waxaan ku Kala Tagnay Doorasho Qof iyo Cod Ah

dukandaran
2 Min Read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay si furan uga hadlay asbaabaha keenay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladdiisa iyo xubnaha mucaaradka, isagoo xusay in qabashada doorasho toos ah ay tahay barta ay ku kala irdhoobeen.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad casho sharaf ah oo Madaxtooyadu u samaysay hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa ka jawaabay baaqyo ay qaar ka mid ah Isimadu u jeediyeen oo ku saabsanaa inuu “talada dhulka dhigo” si xal loogu helo ismari waaga taagan. Wuxuu xasuusiyay hoggaanka dhaqanka in tan iyo markii uu xilka qabtay uu mudnaanta siiyey wada tashiga lala yeelanayo siyaasiyiinta saameynta leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in is faham waagu uu billowday sanadkii 2023-kii, markaas oo uu hordhigay mucaaradka qorshaha dowladdiisa:

“2023-kii ayaan u sheegnay inaan rabno in dalku doorasho qof iyo cod ah galo, in uu labo xisbi yeesho, iyo sida aan ula dagaallamayno Al-Shabaab. Halkaas ayaan ku kala tagnay aniga iyo mucaaradku,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay Dowladda Federaalku ku adkaysanayso in dalku u gudbo nidaamka doorasho ee “Qof iyo Cod” ah, si dadweynuhu u doortaan hoggaankooda. Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa si adag u diiddan hannaanka ay dowladdu wax u waddo, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin culus wixii ka dambeeya 15-ka May, oo ah xilliga ay u arkaan inuu ku egyahay muddo xileedka afarta sano ah ee madaxweynaha.

Mowqifka adag ee madaxweynaha ayaa muujinaya in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta isbeddelka hannaanka doorashada, xilli indhaha dadweynaha iyo saaxiibbada caalamkuba ay ku hayaan sida loo maareyn doono xiisadda siyaasadeed ee soo food leh.

Share This Article
Leave a Comment