


Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Baydhabo ka billaabay tababar aqoon kororsi ah oo loo samaynayo howl wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka dhowaan ka dhici doona xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Tababarkan ayaa ujeedadiisu yahay in howl wadeennada lagu qalabeeyo aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah maamulidda codbixinta, hubinta hufnaanta hannaanka doorashada, iyo sidii loo maareyn lahaa agabka doorashooyinka ee yaalla goobaha codbixinta.
Mas’uuliyiinta Guddiga ee hoggaaminaya tababarka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in howl wadeennadu u gutaan waajibaadkooda si dhowrsan, iyagoo raacaya shuruucda doorashada iyo hab raacyada u degsan GMDQS.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah diyaar garowga ugu dambeeya ee loogu jiro qabashada doorashooyin hufan oo ka dhaca magaalada Baydhabo, taas oo horseedi doonta in muwaadiniintu ay si nabadgelyo ah u doortaan wakiilladooda.
