GMDQS oo Shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka Is barbar socda iyo Diyaar garowga Dowlad Goboleedyada Dalka

dukandaran
2 Min Read

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), ka dib kulan muhiim ah oo ay xubnaha Guddigu yeesheen 16-kii April 2026, waxay halkan kula wadaagayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ururrada siyaasadda, iyo daneeyayaasha doorashooyinka, xogta ku saabsan horumarka iyo jadwalka doorashooyinka wajiga labaad.

1. Diyaar garowga Doorashada Koonfur Galbeed

Guddigu wuxuu caddeynayaa inuu meel wanaagsan marayo diyaar garowga doorashada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan:

  • Diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo bixinta kaararka.
  • Asteynta goobaha codbixinta iyo tababarka shaqaalaha ku meel gaarka ah.
  • Soo xulista musharaxiinta Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada.
  • Taariikhda Doorashada: Guddigu wuxuu xaqiijinayaa in jadwalku sidii hore yahay, doorashaduna ay dhacayso 28/04/2026.

2. Jadwalka Doorashooyinka Isku sidkan (Wajiga Labaad)

Iyadoo la tixraacayo Qodobka 18-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka, guddigu wuxuu shaaciyay jadwalka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo kuwa Wakiilada ee Dowlad Goboleedyada soo socda:

Dowlad GoboleedkaNooca DoorashadaTaariikhda la Qabanayo
Galmudug & HirshabeelleGolayaasha Deegaanka iyo Wakiilada13/05/2026
Jubaland (Gobolka Gedo)Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada30/06/2026
Waqooyi Bari Golaha Wakiilada30/06/2026

Fiiro gaar ah: Doorashada Waqooyi Bari waxay ku kooban tahay Golaha Wakiilada maadaama maamulku uu horey u dhisnaa.

3. Arrimaha Farsamada iyo Korjoogteynta

Guddigu wuxuu hadda gacanta ku hayaa aqoonsiinta iyo tababarida korjoogtada ka socota:

  • Ururrada Bulshada Rayidka ah.
  • Xubnaha Warbaahinta madaxa bannaan.
  • Daneeyayaasha doorashooyinka si loo xaqiijiyo hufnaan iyo caddaalad.

4. Baaq ku socoda Shacabka iyo Ururrada Siyaasadda

GMDQS wuxuu ugu baaqayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadan taariikhiga ah, kuna biiraan ururrada siyaasadda si ay uga qayb galaan tartanka.

Sidoo kale, ururrada siyaasadda waxaa lagu wargelinayaa inay si degdeg ah usoo gudbiyaan:

  1. Liisaska musharixiinta Golaha Wakiilada ee degmooyinka.
  2. Magacyada wakiillada ururrada ee goobaha doorashooyinka.

Share This Article
Leave a Comment