
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2026, soo saaray wargelin sharciyeed muhiim ah oo ku saabsan isbeddel lagu sameeyay jadwalka doorashooyinka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Kordhinta Muddada Liisaska Murashaxiinta
Guddiga ayaa aqbalay codsi ka yimid ururrada siyaasadda, isagoo kordhiyey muddada kama dambeysta ah ee soo gudbinta liisaska murashaxiinta. Muddadan oo markii hore ku ekayd 25 kii April, ayaa hadda laga dhigay maalinta Taladaada ah ee 05 May 2026. Guddigu wuxuu faray ururrada inay ku dhowraan muddadan cusub oo aysan jiri doonin dib u dhac dambe.
Cayimidda Maalinta Doorashada DG KGS
Sidoo kale, GMDQS ayaa dib u dhigay taariikhda doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Koonfur Galbeed. Doorashadaas oo horay loo qorsheeyay inay dhacdo 28/04/2026, ayaa hadda loo asteeyay inay qabsoonto maalinta Axadda ah, 10 May 2026.
Qodobbada kale ee Wareegtada ah:
- Guddigu wuxuu faray ururrada siyaasadda inay ilaaliyaan hannaanka isu dheelitirka qaybaha kala duwan ee bulshada marka ay soo gudbinayaan liisaska murashaxiinta.
- Waxaa la xoojin doonaa bixinta kaararka codbixinta iyo wacyigelinta shacabka si loo hubiyo ka qaybgal ballaaran.
- GMDQS waxay ku celisay inay ka go’an tahay qabashada doorashooyin xalaal ah, daah furaan, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii uu guddigu la tashiyo la yeeshay madaxda ururrada siyaasadda 25-kii bishan, si fursad loogu siiyo ururrada inay u dhammaystiraan hannaanka murashaxiinta si waafaqsan sharciga.
