Screenshot

GMDQS oo Caddeeyay Sharciyadda Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

dukandaran
2 Min Read

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray war saxaafadeed muhiim ah oo ay ku xaqiijinayaan sharciyadda Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Guddigu wuxuu caddeeyay in Golayaashii Deegaanka ee ku soo baxay doorashadii dhacday 25 December 2025, loona dhaariyay xilka 02 April 2026, ay yihiin maamulada rasmiga ah ee degmooyinka Gobolka Banaadir. Tallaabadan ayaa waafaqsan Qodobka 49-aad (Faqradiisa 1-aad, Xarafka C) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GMDQS waxay xustay in hadda la sugayo in xubnahan ay iska dhex doortaan:

  • Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.
  • Guddoomiye ku xigeenada Degmooyinka.

Doorashadan ayaa ujeeddadeedu tahay in si rasmi ah ay ula wareegaan xilka iyo waajibaadka loo igmaday, si waafaqsan Qodobka 22-aad (Faqradiisa 2-aad iyo 3-aad) ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka (Sharci LR 28).

War saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka ee hadda xilka haya ay ku jiraan marxaladda xil-gaarsiinta. Masuuliyadoodu waxay ku egtahay ilaa inta laga soo dooranayo hoggaanka cusub ee degmooyinka.

Guddigu wuxuu ka digay tallaabo kasta oo maamul oo ka hor imaanaysa Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay mid aan sal sharci lahayn. GMDQS waxay mar kale ku celisay inay u taagan tahay:

  • Ku dhaqanka Dastuurka iyo Sharciga.
  • Xaqiijinta iyo hufnaanta doorashooyinka.
  • Ilaalinta xuquuqda iyo kalsoonida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee codbixiyayaasha ah.
Share This Article
Leave a Comment