Shir Siyaasadeed oo u Dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

dukandaran
3 Min Read

Muqdisho Waxaa maalintii shalay ahayd Villa Soomaaliya ka qabsoomay shir siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee isku magacaabay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Shirkan ayaa yimid xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dastuurka.

Kulanka waxaa si gaar ah indhaha loogu hayay ka qaybgalka Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo hore loogu tirinaayay siyaasiyiinta ka biyo diidsanaa ka qeybgalka shirka Villa Soomaaliya. Waxaa goobta ku wehliyay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, kaas oo la sheegay inuu si gaar ah u qaaday mas’uuliyadda amniga Axmed Madoobe. Wararku waxay sheegayaan in markii shirku soo dhammaaday ay hal gaari ku wada baxeen.

Qodobada laga dooday

Shirka maalintiisii koowaad waxaa si gaar ah diiradda loo saaray saddex arrimood oo muhiim ah:

Arrinta koowaad waxay ahayd doorashada heer federaal. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in laga wada hadlo nooca doorasho ee la qaadanayo iyo qaabka loo maamulayo. Wuxuu soo jeediyay in haddii la isku mari waayo aragti mideysan, la dhiso gudi wadajir ah oo ka kooban labada dhinac, kaas oo soo jeedinaya nooca doorasho ee ku habboon dalka xilligan iyo waqtiga lagu qaban karo. Dhanka kale, qaar ka mid ah mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa muujiyay aragtiyo kala duwan, taas oo muujisay in aysan weli jirin mowqif mideysan oo ku saabsan hannaanka doorashada federaalka.

Arrinta labaad waxay ahayd doorashooyinka maamul goboleedyada. Xubnaha mucaaradka ayaa dalbaday in si wadajir ah looga heshiiyo doorashooyinka ka dhici doona qaar ka mid ah maamul goboleedyada. Madaxweynaha ayaa sheegay in arrimahaas ay khuseeyaan madaxda maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, ayna ka baxsan yihiin ajandaha Golaha Mustaqbalka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in qorshuhu yahay in laba bilood gudahood lagu qabto doorashada goleyaasha deegaanka ee maamul goboleedyada.

Arrinta saddexaad waxay ahayd dastuurka. Mucaaradku waxay si kooban u soo hadal qaadeen in doorashooyinka lagu saleeyo Dastuurkii 2012, balse qodobkan si qoto dheer loogama doodin. Dowladda Federaalka ayaa muujisay diyaar u ahaansho in talooyinka mucaaradka lagu daro geeddi socodka dhameystirka dastuurka.

Tallaabada xigta

Kadib dhammaadka shirka, xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa dib ugu laabtay Hotel Airport si ay uga tashadaan soo jeedinta Madaxweynaha ee ah in marka hore la keeno nooca doorasho ee ay rabaan, kadibna la dhiso gudi wadajir ah oo arrintaas ka shaqeeya.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in shirka aan laga fileyn heshiis buuxa, balse uu noqon karo bilowga is afgarad siyaasadeed oo horseeda heshiis dhammeystiran bartamaha bisha Abriil ee sanadkan. Waxaa la qorsheeyay in dhinacyadu dib isugu soo laabtaan maanta saacadda 2 duhurnimo si wada hadallada loo sii ambaqaado.

Share This Article
Leave a Comment