


Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah shahaadada musharaxnimada u guddoonsiiyey musharaxiinta u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#204, kaas oo ka mid ah kuraasta ka bannaanaatay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda shahaado siinta oo ka dhacday magaalada Baydhabo, ayaa lagu shaaciyey in musharaxiintu ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa tartanka doorashada. Musharaxiinta maanta la guddoonsiiyey aqoonsiga waxaa ka mid ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Guddiga ayaa xaqiijiyey in diyaar garowga doorashada uu marayo heerkeedii ugu dambeeyey, iyadoo la qorsheeyey in doorashada kursigan ay galabta ka dhacdo magaalada Baydhabo, oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kursigan oo muhiim u ah metelaadda shacabka kuna abtirsada deegaankaas, ayaa waxaa isha ku haya indheer garadka iyo bulshada rayidka ah, iyadoo guddigu ballan qaaday in doorashadu ay u dhici doonto si hufan oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka dalka.
Natiijada doorashada iyo ciddii ku guuleysata kursiga HOP#204 ayaa la filayaa inay soo baxdo saacadaha soo socda marka ay soo dhammaato codeynta iyo tirinta codadka.
