Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay madaxda 20-ka urur ee u tartamay doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir

dukandaran
1 Min Read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka 20-ka urur siyaasadeed ee ka qaybgalay tartankii doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kaalinta ururradu ku lahaayeen qabsoomidda doorashada, iyo sida ay u xoojiyeen in geeddi socodka dimuqraadiyadeed u dhaco si nidaamsan. Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashadu tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumarinta hannaan ay taladu si tartan iyo ka qaybgal bulsho ku dhisan uga timaaddo shacabka, taas oo xoojinaysa kalsoonida iyo bisaylka hannaanka siyaasadeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo hoggaanka ururrada ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira adkaynta midnimada qaranka, ilaalinta wadajirka bulshada, iyo taageeridda dhismaha dowladnimo xooggan oo ku dhisan wada-shaqayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ururrada siyaasadeed ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan doorkooda ku aaddan nabadda, wadajirka, iyo xoojinta is-afgaradka, si loo dardargeliyo geeddi socodka dimuqraadiyadda loona abuuro jawi siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Dhankooda, hoggaanka ururradu waxay Madaxweynaha ku ammaanen dadaallada la xiriira ballaarinta ka qaybgalka siyaasadda, iyagoo muujiyey inay diyaar u yihiin la shaqaynta dowladda si loo xoojiyo madaxbannaanida, midnimada, iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share This Article
Leave a Comment