
Dawlad gobolleedka Woqooyi bari Somalia ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay wax ka beddelka lagu sameeyay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo horseedaysa horumarka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Madaxweynaha Maamulka Woqooyi bari, Abdulkadir Ahmed Aw Ali Firdhiye, oo ka hadlay arrintan, ayaa caddeeyay in maamulkiisu uu si buuxda u taageersan yahay isbeddellada dastuuriga ah, isagoo ballan qaaday inay door muuqda ka qaadan doonaan hirgelinta hannaankan cusub.
Madaxweyne Firdhiye ayaa hoosta ka xariiqay in maamulku uu u diyaar-garoobayo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, si awoodda loogu celiyo shacabka.
“Maamulka Woqooyi-bari wuxuu soo dhoweynayaa wax ka beddelka dastuurka dalka lagu sameeyay, waxaana si dhab ah uga shaqaynaynaa hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, si loo xoojiyo matalaadda muwaadiniinta,” ayuu yiri Madaxweyne Firdhiye.
Madaxweynaha ayaa xusay in nidaamka doorashooyinka tooska ah uu yahay dhabaha kaliya ee lagu gaari karo dowladnimo ku dhisan rabitaanka muwaadinka, taas oo lafdhabar u ah xasiloonida siyaasadeed ee dalka.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo dib u habeyn loogu samaynayo hannaanka doorashooyinka qaranka, iyadoo taageerada maamullada dalka ay xoojinayso suurtagalnimada in laga gudbo nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban.
Tallaabadan ayaa loo arkaa guul weyn oo u soo hoyatay dadaallada lagu dhammaystirayo dastuurka iyo hannaanka dimuqraadiyeynta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
