

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si habsami leh uga socota hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, kadib markii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranku ay muddo kooban dib u fureen goobaha diiwaangelinta si fursad loo siiyo muwaadiniinta aan horay isu diiwaangelin.
Xoghayaha Guud ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay goobaha ay ka socdaan hawlaha diiwaangelinta iyo bixinta kaararka codbixinta ee magaalada Baydhabo.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la hubiyo habka ay u socoto adeeg bixinta, fududeynta caqabadaha farsamo, iyo hubinta in dadweynuhu si siman u helaan adeegga diiwaangelinta. Xoghayaha ayaa intii uu kormeerka ku jiray la kulmay hawl wadeennada iyo shacabka ku sugnaa goobahaas, isagoo ku bogaadiyay sida ay ugu hagar-baxayaan gudashada waajibaadka qaran.
Dib u furista diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee magaalada Baydhabo ayaa qayb ka ah qorshaha Guddiga Doorashooyinka ee lagu ballaarinayo qayb galka muwaadiniinta, si loo xaqiijiyo doorasho qof iyo cod ah oo si hufan uga qabsoonta deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
