HOGGAAMIYAHA ISBEDDELKA: DR. XASAN SHEEKH IYO JIDKA DHISMAHA SOOMAALIYA CUSUB

dukandaran
3 Min Read

Isbeddelku waa hawl adag, cabsi leh, mararka qaarkoodna khatar badan, balse waa xaqiiqo ay tahay inay wajahdo cid kasta oo hiigsanaysa horumar dhab ah. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu doortay inuu dalka u horseedo isbeddel taabata nolosha dadka, isagoo ka faaiidaysanaya khibraddii iyo xog-ogaalnimadii uu ka kasbaday muddo xileedkiisii hore.

Sanado halgan adag ah ka dib, hadda waxaa muuqata natiijada. Qormadan waxaan ku eegaynaa saddex tiir oo ah kuwa ugu saamaynta badan nolosha bulshada Soomaaliyeed:

1. Amniga: Furaha Xasiloonida

Soo celinta nabadgalyada ayuu Madaxweynuhu u arkay fadhiga isbeddel kasta. Dagaalka baaxadda leh ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, xakamaynta hubka sharcidarada ah, iyo tayeynta hay’adaha amniga ayaa dhalay natiijo aan lagu muransanayn. Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool Caasimadda Muqdisho, ayaa markii ugu horraysay muddo 40 sano ah dareemaya xaalad amni oo aad u wanaagsan, taas oo sidoo kale saamaysay magaalooyinka waaweyn ee dalka oo dhan.

2. Xasilinta Siyaasadda iyo Doorashooyinka Tooska ah

Madaxweynuhu wuxuu gartay in dalku u baahan yahay nidaam siyaasadeed oo casri ah, kaas oo ka saaraya qoqobka qabaliga ah loona gudbayo tartan ku dhisan aragti iyo axsaab. Albaabka himiladaas wuxuu noqday dhamaystirka Dastuurka. Hadda, dalku wuxuu u dhaqaaqay doorasho qof iyo cod ah; tusaalaha u horreeyaana waa 390 xubnood ee Golaha Deegaanka ee Caasimadda ee dhawaan la dhaariyey. Hanaankani wuxuu tusaale u yahay in muwaadinku uu awood u leeyahay doorashada hoggaankiisa heer deegaan ilaa heer qaran.

3. Isbeddelka Dhaqaalaha iyo Khayraadka Dalka

Si looga baxo gacan-hoorsiga dibadda, waxaa lagama maarmaan noqotay in dalku ka faaiidaysto khayraadkiisa. Madaxweynuhu wuxuu ku dhiiraday dhaqaajinta soosaarista khayraadka dabiiciga ah ee dalka, taas oo hadda maraysa heerkii fulinta. Waa isbeddel dhaqaale oo dhab ah oo looga gol-leeyahay in lagu gaaro isku-filnaansho iyo koboc nololeed.

Maxaa sahlay guulahan?

Dhowr qodob ayaa sal u ah in waqti kooban lagu gaaro natiijooyinkan:

  • Aragti Cad: In Madaxweynuhu xukunka la wareegay isagoo qorshaysan.
  • Wadashaqeyn: Doorashada Ra’iisul Wasaare la aragti ah, kartina u leh dhaqangalinta qorshayaashaas.
  • Maaraynta Xasaradaha: Xirfadda hogaanka ee wajahidda caqabadaha iyo adkaysiga siyaasadeed.
  • Garab-istaagga Shacabka: Taageerada shacabka oo muujiyey inay hiil u yihiin dawladnimada.

Gunaanad iyo Fariin Bulsho

Isbeddeladani ma ahan kuwo u gaar ah qof ama koox, balse waa guul u soo hoyatay qaranka Soomaaliyeed. Waa waddooyin furistoodu ay khatar badnayd balse mirahooda ay harsan doonaan jiilasha hadda jooga iyo kuwa soo socda.

Fariin Dadwayne: Shacabka Soomaaliyeedow, waxaa hortiina timid himilooyinkii aad muddo dheer naawilayseen. Iftiinkii dawladnimada ayaa soo bidhaamay, markaa waa inaan ku dawakhin doodaha danta gaarka ah, ee aan garab taagnaano halganka lagu xaqiijinayo hanka iyo mustaqbalka umadda.

Share This Article
Leave a Comment