Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

dukandaran
1 Min Read

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Socdaalka guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa qeyb ka ah kormeer iyo dardargelin la xiriirta hawlaha doorashooyinka, iyo qiimeynta heerka diyaar garowga maamulka ee qabashada doorashada qof iyo codka ah.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay kala tashan doonaan Maamulka Koonfur Galbeed arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan halkan u nimid inaan la tashi iyo kormeer ku sameyno hannaanka u diyaar garowga doorashooyinka qof iyo codka ah ee aan hiigsaneyno. Maamulka Koonfur Galbeed waa tiir muhiim u ah federaalka, waxaana rabnaa inaan xaqiijinno in farsamo ahaan iyo niyad ahaanba loo diyaar yahay in muwaadinka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaan uu codkiisa dhiibto,” ayuu yiri Cabdikariin.

Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo wafdigiisa waxay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Maamulkaas, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Share This Article
Leave a Comment