
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa soo saaray wareegto lagu magacaabay Madaxa Xafiiska Doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Wareegtadan oo tixraaceedu yahay GMDQS/XG/347/04/2026, kuna taariikhaysan 04 April 2026, ayaa lagu magacaabay Abdirahman Abubakar Mohamed inuu noqdo Madaxa Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed ee GMDQS.
Sababaha Magacaabista: Guddoomiyuhu wuxuu magacaabistan u cuskaday qodobbada soo socda:
- Qodobka 10-aad (Faqradiisa 9-aad) iyo Qodobka 14-aad ee Xeerka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka.
- Baahida loo qabo in la helo mas’uul awood u leh maamulidda iyo isku-duwidda arrimaha xafiiska Koonfur Galbeed.
- Isagoo tixgeliyey khibradda iyo waayo-aragnimada uu mas’uulkan u leeyahay arrimaha maamulka iyo doorashooyinka.
Wareegtada ayaa lagu faray mas’uulka cusub inuu waajibaadkiisa u guto si waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka dalka u degsan. Magacaabistan ayaa dhaqangalaysa marka uu saxiixo Gud
