Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo….

introvertmustafa
1 Min Read

Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellada Hoose ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Magaalada Marka ayaa si rasmi ah ugu daahfuray magaalada ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federalka, Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Maamulka Magaalada.

Xubnaha Guddiga iyo masu’uuliyiinta ayaa bulshada ku nool magaalada Marka iyo deegaannada ku xeeran ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtaan codkooda maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.

Share This Article
Leave a Comment