Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska ururrada siyaasadeed ee u tartami doona kuraasta kala duwan ee deegaannada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah hannaanka hufnaanta ee guddiga, iyadoo bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed lala wadaagayo xogta rasmiga ah ee ku saabsan ururrada tartamaya iyo degmooyinka ay ka dhici doonaan doorashooyinku.
Ujeeddada Shaacinta:
Guddigu wuxuu tilmaamay in xogtan loogu talagalay:
In muwaadiniintu bartaan ururrada siyaasadeed ee ka jira deegaannadooda.
In la caddeeyo degmooyinka sida rasmiga ah ay uga dhici doonaan tartannada doorashooyinka.
In loo fududeeyo codbixiyeyaasha fahamka hannaanka tartanka ka hor maalinta doorashada.
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhiirigelinaya dhammaan bulshada ku nool Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed inay la socdaan liiskan rasmiga ah, si ay u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta iyagoo xog-ogaal ah.
GMDQS waxay markale ku celinaysaa inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka turjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
