GMDQ&S oo Kaararka Codbixinta Gaarsiiyey Degmada Afgooye

dukandaran
1 Min Read

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQ&S) ayaa maanta tallaabo muhiim ah u qaaday dhanka hannaanka doorashooyinka, iyagoo kaararka codbixinta gaarsiiyey degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Hawshan oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee guddiga ee ku aaddan diyaarinta doorashooyinka dalka, ayaa loogu talagalay in dadka deegaanka ay helaan kaararkooda si ay uga qayb qaataan doorashooyinka soo socda. Mas’uuliyiinta guddiga ayaa xaqiijiyey in qalabka iyo kaararka la gaarsiiyey degmada si habsami leh, iyadoo lala kaashanayo maamulka deegaanka.

Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ku aaddan in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee codbixinta, gaar ahaan dadka ku nool gobollada dalka si loo hubiyo doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Share This Article
Leave a Comment