




Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta si rasmi ah degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose uga daahfuray hannaanka diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha Guddiga ee lagu gaarayo deegaannada fog fog si muwaadiniintu u helaan xuquuqdooda doorasho.
Dhanka kale, waxaa dib loo furay goobihii diiwaangelinta ee magaalada Baydhabo, halkaas oo uu hadda dib uga billowday hannaanka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka dib muddo kooban oo hakad ah. Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa xaqiijiyay in shaqadu ay si habsami leh u socoto, iyadoo dadweynuhu ay u soo baxayaan is diiwaangelinta.
Waxa kale oo magaalada Baydhabo ka socota bixinta kaararka codbixinta, taas oo barbar socota diiwaangelinta cusub, si loo dardargeliyo u diyaargarowga doorashooyinka soo socda.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku ammaanay shacabka ku nool deegaannadaas sida ay diyaarka ugu yihiin ka qaybgalka hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, iyadoo Guddiguna uu ballanqaaday inuu gaari doono goobaha kale ee dhiman.
