GMDQS oo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ka Billabay Degmooyinka Qansaxdheere iyo Hobyo

dukandaran
2 Min Read

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmooyinka Qansaxdheere oo ka tirsan Gobolka Baay iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee guddigu ugu kuurgalayo xaqiijinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qaybgalka doorashooyinka dalka, iyadoo ujeeddadu tahay in muwaadiniinta ku nool deegaannadaas ay helaan fursad ay isku diiwaangeliyaan si ay u doortaan hoggaanka ay kalsoonida ku qabaan.

Munaasabadda daahfurka ee ka dhacday degmada Qansaxdheere, waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan GMDQS, maamulka degmada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Mas’uuliyiinta ayaa ku dhiirrigeliyay shacabka ku dhaqan gobolka Baay inay ka faa’iideystaan fursadan taariikhiga ah ee loo soo dhoweeyay.

Sidoo kale, kooxda farsamada ee GMDQS ayaa degmada qadiimiga ah ee Hobyo ka billabay hawlaha diiwaangelinta. Shacabka Hobyo ayaa si weyn usoo dhoweeyay hannaankan, iyadoo goobihii loogu talagalay diiwaangelinta ay maanta bilaabeen inay u adeegaan dadweynaha.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa u mahadceliyay maamullada heer gobol iyo heer degmo iyo cutubyada amniga ee fududeeyay in hawshan ay si nabadgelyo ah ku billaabato.

“Hadafkeenu waa inaan codka u dhoweeyno muwaadin kasta, meel kasta oo uu joogo, si aan u dhisno mustaqbal dimuqraadi ah.”

Share This Article
Leave a Comment