Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi ah u dhammeystay muddo xileedkii afarta sano ahayd ee loo doortay, xilli uu dalku galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo Madaxtooyadana ay u hartay muddo hal bil ka yar.
Baarlamaanka uu waqtigiisu idlaaday ayaa dhawaan meelmariyay wax ka beddel lagu sameeyay Dastuurka dalka, kaas oo muddo xileedka hay’adaha dowladda ka dhigaya shan sano (5 sano) halkii ay markii hore ka ahayd afar sano. Tallaabadan ayaa dhalisay falcelin xooggan, iyadoo ay si weyn u diideen xubnaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowladn goboleedyada dalka, kuwaas oo ku tilmaamay muddo kororsi sharci darro ah.
In kasta oo doodaha siyaasadeed ay taagan yihiin, Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay sii waddo qorshaheeda ku aaddan qabashada doorasho toos ah oo “Qof iyo Cod” ah. Dastuurka cusub ee la meelmariyay ayaa dhigaya in Baarlamaanku uu shaqada sii wadayo ilaa inta laga helayo Baarlaman kale oo beddela, si looga fogaado firaaq degdeg ah oo dhanka sharciga ah.
Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa waqtigooda dhaafay labadii muddo xileed ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, haddii dowladda hadda jirta ay ku guulaysato qabashada doorasho qof iyo cod ah, waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli doonta hannaanka geeddi socodka dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta Soomaaliya.
Doodaha ku saabsan dhammaadka muddo xileedka iyo hirgelinta sharcigan cusub ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda, xilli indhaha caalamka iyo kuwa gudahaba ay ku hayaan jihada ay u dhaqaaqi doonto siyaasadda dalku.
