GUDDOOMIYE CABDIKARIIM AXMED XASAN OO KORMEERAY GOOBAHA DIIWANGELINTA CODBIXIYEYAASHA EE BAYDHABO

dukandaran
1 Min Read

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee Guddiga, Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd u kuurgalida iyo indha indheynta habsami u socodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo bixinta kaararka codbixinta ee ka socda deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa booqday dhowr xarunood oo ay ka socoto adeegga bixinta kaararka, iyagoo warbixinno ka dhageystay hawlwadeennada guddiga ee ku sugan goobahaas. Mudane Cabdikariim ayaa bogaadiyay sida ay u socoto shaqada, isagoo hoosta ka xariiqay in kormeerkani qayb ka yahay dadaallada guddigu ku hubinayo hufnaanta iyo dhowridda nidaamka diiwaangelinta.

Tallaabadan ayaa muujinaysa go’aanka guddiga ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo la hubinayo in muwaadin kasta oo is-diiwaangeliyey uu gacanta ku dhigo kaarkiisa codbixinta si uu uga qayb-qaato go’aan ka gaarista mustaqbalka dalka.

Share This Article
Leave a Comment