Waxaa deegaan doorashada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed lagu qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#204, kaas oo qayb ka ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Tartanka kursigan oo ahaa mid xiiso leh, ayaa waxaa ku loolamay labada murashax ee kala ah:
- Cabdulqaadir Maxamed Nuur
- Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur
Natiijada codaynta ka dib, waxaa kursiga HOP#204 si rasmi ah ugu guulaystay murashax Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaas oo helay kalsoonida ergada wax dooranaysay.
Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu hambalyeeyey mudanaha guulaystay xilka loo doortay, iyadoo doorashadu ay ku soo dhammaatay jawi dagan oo hufan.
