GMDQS OO AGAASIME CUSUB U MAGACAABAY DIIWANGELINTA URURRADA SIYAASADDA

dukandaran
1 Min Read

MUQDISHO, 04 Abriil 2026 Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Agaasimaha cusub ee Diiwangelinta Ururrada Siyaasadda ee dalka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha, laguna tixraacay qodobbada

10-aad iyo 14-aad ee xeerka dhismaha guddiga, ayaa xilkan loogu magacaabay Abdirazaq Osman Nor. Magacaabistan ayaa timid ka dib markii la tixgeliyey aqoonta iyo waayo aragnimada uu mas’uulkan u leeyahay hannaanka iyo hawlaha la xiriira diiwangelinta ururrada siyaasadda.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay agaasimaha cusub inuu waajibaadkiisa u guto si waafaqsan qawaaniinta dalka iyo xeerarka u degsan guddiga, isagoo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la fududeeyo adeegyada loo hayo ururrada siyaasadda ee dalka ka jira.

Share This Article
Leave a Comment