Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay diiwaangelinta gobollada iyo dhaarinta golayaasha deegaanka

dukandaran
3 Min Read

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xog wareysi ah la yeeshay ururrada siyaasadda dalka, isagoo faahfaahin ka bixiyay halka ay marayaan hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, wareegga labaad ee doorashada golayaasha deegaanka ee dowlad-goboleedyada, iyo qorshaha dhaarinta xildhibaannada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in uu si rasmi ah u bilaabmay wareegga labaad ee doorashada golayaasha deegaanka ee gobollada dalka, kadib markii la soo gabagabeeyay diiwaangelintii iyo codbixintii wejigii hore. Wuxuu xusay in Guddigu intii uu waday diiwaangelinta iyo kaarbixinta uu hawsha ka hirgeliyay degmooyin ka tirsan dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari, halkaas oo diiwaangelintu si guul leh uga dhammaatay.

gobollada dalka, kadib markii la soo gabagabeeyay diiwaangelintii iyo codbixintii wejigii hore. Wuxuu xusay in Guddigu intii uu waday diiwaangelinta iyo kaarbixinta uu hawsha ka hirgeliyay degmooyin ka tirsan dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari, halkaas oo diiwaangelintu si guul leh uga dhammaatay.

Degmooyinka ay diiwaangelintu ka dhammaatay
Koonfur Galbeed : Baraawe, Marka, Afgooye, Walaweyn, Buurhakaba, Baydhabo, Bardaale, Diinsoor, Waajid, Xudur.
Hirshabeelle: Balcad, Warsheekh, Cadale, Jowhar.
Galmudug : Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado, Xeraale, Gaalkacyo, Xarardheere.
Waqooyi Bari : Laascaanood.

Degmooyinka harsan iyo dib-u-furista la qorsheeyay
Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in ay jiraan 12 degmo oo weli harsan, kuwaas oo la qorsheynayo in dib loo furo si loo dhammaystiro diiwaangelinta, waxaana ka mid ah:
Waqooyi Bari : Buuhoodle, Taleex, Xudun.
Galmudug: Hobyo, Caabudwaaq, Balanbal, Ceeldheer.
Hirshabeelle ( Hiiraan ): Matabaan, Beledweyne, Jalalaqsi, Buulabarde.
Sidoo kale, Guddigu wuxuu qorsheynayaa in dib loo furo magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, iyo Dhuusamareeb muddo laba toddobaad ah, si loo kordhiyo tirada is-diiwaangelinta maadaama ay horey u yaraayeen.

Safarro shaqo iyo dardargelin hawleed
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in uu safarro shaqo ku tagi doono Baydhabo, Laascaanood, iyo Dhuusamareeb, si loo dardar-geliyo hawlaha doorashooyinka, loona xaqiijiyo in diiwaangelintu ku socoto hab qorsheysan oo isku mid ah.

Daabacaadda kaararka codbixinta
Guddigu wuxuu shaaciyay in subaxnimada Talaadada la bilaabi doono daabacaadda kaararka codbixinta ee 21 degmo oo hore loo soo gabagabeeyay diiwaangelintooda. Kaararkaasi waxaa la qorsheynayaa in la qeybin doono inta lagu jiro bisha Ramadaan, iyadoo diiwaangelinta degmooyinka kale ay sii socon doonto si marka dambe ay u fududaato daabacaadda iyo qaybintooda.

Dhaarinta golayaasha deegaanka (390 xubnood)
Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay in Guddigu diyaarinayo:

  • Dhaarinta 390 xubnood oo ka tirsan golayaasha deegaanka.
  • Tababariddooda, kadibna ay bilaabi doonaan doorashada hoggaankooda gudaha sida uu qabo sharciga.
    Wuxuu xusay in doorka Guddiga Doorashooyinka uu ku eg yahay dhaarinta iyo tababaridda, halka maamulka iyo xeerarka ay ku shaqeynayaan golayaasha ay mas’uul ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta. Guddoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in jadwal faahfaahsan lala wadaagi doono ururrada siyaasadda toddobaadka soo socda.

Share This Article
Leave a Comment