Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo….

introvertmustafa
1 Min Read

Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo howlo shaqo u jooga Magaalada Jowhar ayaa kulan laqaatay Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Jowhar Cusmaan Maxamud Mukhtar (Baareey) iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hirshabelle Saciid Camalow oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar.

Xubnaha Guddiga iyo mas’uuliyiinta magaalada ayaa kawada hadlay dardargelinta howlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dhawaan ka bilaaban doona magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Share This Article
Leave a Comment